Qarax culus oo lala eegtay Gaadiid uu la socday Abaanduulihii xilka laga qaaday & Khasaaro ka dhashay Qaraxa

Afgooye (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Qarax lala eegtay gaadiid dagaal oo uu la socday Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo shalay uu xilka ka qaaday Madaxweynaha.

Caanood, ayaa Qaraxa lagula eegtay Jiiro Gaaljecel oo u dhaxeysa Lambar 60 iyo Shalambood, waxaana lasoo sheegayaa in Qaraxa uu la kacay ku dhawaad laba gaari oo kamid ahaa gaadiid dagaal oo uu galbinaayay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Gen. Caanood.

Gaadiidka uu galbinaayay Caanood ayaa la sheegay in guud ahaan ay ahaayen 46 Cabdi Bille kuwaa oo dib ugu soo laabanaayay magaalada Muqdisho oo markii horaba ay ka tageen.

Qaar kamid ah Saraakiisha wehlineysay Abaanduulaha ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi uu burburiyay hal gaari, halka gaari kale uu soo gaaray burbur aan sidaa u buurneyn, islamarkaana waxyeelo uu ka soo gaaray ciidankii gaariga saarnaa.

Waxa ay sheegen in Qaraxa uu ka badbaaday Gen. Caanood, hase yeeshee ay waxyeelada ugu badan aheyd mid soo gaartay ciidamada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan Ilaa hadda la ogayn khasaaraha guud ee ciidamada kasoo gaaray Qaraxa waxaana arrintaasi ka gaabsaday Saraakiisha xaqiijisay burburka labada gaari oo dab ka dhashay Qaraxa qabsaday.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

Caasimada@live.com