Qarax geystay dhimasho iyo Dhaawac oo Caawa Muqdisho ku haleelay Carruur Darbi jiif aheyd (Khasaaraha)

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxaa caawa uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia xili ay dadku kasoo kala baxeen Salaada Makhrib.

Qaraxa oo intiisa badan laga maqlay Xaafadahada magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu ka dhashay Miino ay ku cayaarayeen Carruur.

Caruurtan oo laba aheyd ayaa Walxaha qarxa ku heystay Isgoyska KM4 gaar ahaan aagga Aargada, iyaga oo ku cayaaraya ayay mar qura la qaraxday, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa.

Carruurta ayaa la sheegay inay ahaayen Darbi jiif ku noolaa hareeraha Aargada, waxa ayna markeedii hore kasoo qaaden goob leysugu geeyo qashinka oo ku taal dhabarka danbe ee iskuulka Turkida.

Mid kamid ah Darbi jiifta ayaa sheegay in Carruurtaas ay Miinada ku cayaarayeen tan iyo duhurkii maanta, kuwaasi oo aanan kala garaneynin in birahan ay ku cayaarayeen ay dhibaato ka soo gaari karto.

Gaadiidka gurmadka ayaa goobta ka qaaday Meydka mid ka mid ah caruurta iyo mid kale oo uu dhaawac soo gaaray, waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka ee ka dhaw dhow Isgooyska.

Qaraxaani miinada ah ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo ka dhaca Aargada KM4 oo ah halka ugu badan oo ay isticmaalaan shacabka, waxaana xusid mudan in labada Carruur ee waxyeeladu soo gaartay ay isku hayeen Miinada ilaa ay ka Qaraxdo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com