Sawirro: Halkee ayuu marayaa qorshaha badbaadinta Doonida kusoo caarisay Xeebta Bosaso

Garoowe (Caasimada Online)-Waxaa weli socda gurmadka lagu doonaayo in lagu badbaadiyo Dooni weyn kusoo caarisay Xeebta magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Doonidan oo qaar kamid ah alaabihii saarnaa ku qubtay Badda ayaa waxaa iminka xooga la saarayaa sida lagu badbaadin lahaa alaabaha badqaba ee saran Doonida.

Doonida ayaa u raran ganacsato Soomaaliyeed waxaana la xaqiijiyay in rarka saran uu yahay ilaa 10 Milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Howlgalka lagu badbaadinaayo doontaasi ayaa socdo ku dhawaad todobaad,Doontaan oo cilad ku timid, ayaa markeedii hore loo diiday inay  ku xirato Dakadda Magaalada Boosaaso.

Ganacsatada iyo dad weynaha ayaa caro tuur iyo Kunteenaro laga buuxiyay carro dhigay inta u dhexeysa Doonida ilaa Xeebta, iyadoo ujeedka uu yahay badbaadinta Hantida saran Doonida.

Doonida ayaa waxaa saran Gaadiid kuwaa oo sababta ugu weyn u noqday inay caariso doonida, waxaana suuragal ah in ilaa iyo bari lagu soo afmeero caro tuurka loo sameynaayo Doonida.