Garoowe (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen Caasimada Online.
Qarax oo is-miidaamin ahaa ayaa ka dhacay afaafka hore ee saldhiga bartamaha Garoowe, waxaana lagu warramayaa in lala beegsaday saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Nugaal.
Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxaas oo inta badan jugtiisa laga maqlayey magaalada Garoowe, waxaana kadib la maqlayey rasaas ay ridayeen ciidamada Booliska Puntland, iyadoo la xiray aagii qaraxu ka dhacay.
Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah.