QARAX is-miidaamin ah oo ka dhacay BAYDHABA

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in goor dhow qarax is-miidaamin ahaa uu ka dhacay gudaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey ruux isku xiray walxaha qarxa, kaas oo dhex-tegay goob lagu shaaxo ay oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin, askar iyo shacab.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan la doonayey in lagu khaarijiyo guddoomiyaha gobolka Baay Cali Wardheere Dooyow oo meesha uu ku sugnaa, walow uu ka bad-baaday qaraxa.

Qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxan ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 2 qof oo uu jiro is-miidaamiyihii fuliyey, iyada oo ay ku dhaawacmeen 5 kale.

“Saaka barqadii abaare 11:15 AM, ayaa Qof Naftii-halige ah isku qarxiyay Maqaayad laga shaah cabo oo lagu magacaabo SUWEYS Cafetary ka soo horjeedka SALAAD JEERI Tower Xaafada  Bardaale ee Magaalada Baydhabo, qaraxa ayaa sababay dhimashada 2 qof,  dhaawaca 5 kale, Iyo burburhantiyed” ayaa lagu yiri qoraalka taliska Booliiska.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay iyo baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka K/ Galbeed.