Maxaa keenay in amniga doorashooyinka dalka lagu wareejiyo R/W ROOBLE?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday amniga doorashooyinka dalka ka dhacaya lagu wareejinayo ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Mudane Maxamed Xuseen Rooble, sida ay lagu sheegay qoraal ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya u dirtay golaha ammaanka ee QM.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha uu hoggaamin doono guddiga ee ka shaqeynaya doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

Sababta amniga loo hoos geeyey amniga Rooble ayaa sidoo kale lagu sheegay, si loo xalliyo cabashada dhanka ammaanka ee ka taagan doorashooyinka dalka.

“Cabashada ammaanka doorashada si loo xalliyo, dowladdu waxay xaqiijinaysaa in Guddiga Amniga Doorashada Qaranka uu hoggaankeeda qaban doonno Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo la wareegi doona xalka arrimaha amniga.” ayaa lagu yiri warqaddda loo diray QM.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, xilli musharraxiinta mucaaraadka, maamullada Jubbland iyo Puntland ay horey u shaaciyeen in amniga doorashooyinka dalka aan lagu aamini karin madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa waxaa hareeyey is jiid-jiid u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada qaar, iyada oo lagu kala tegay wada-hadalladii ugu dambeeyey ee ka socday Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.