Shir dhexmari lahaa madax goboleedyada iyo Farmaajo oo baaqday + Sababta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta la filayay in madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay dib ugu laabtaan teendhada Afisyooni, balse sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo, waxaa baaqday kulankaas.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan sheegtay in wadahadalladii socday ay burbureen, halka labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay beeniyeen warka ay dowladda faafisay.

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ka dhawaajiyay ineysan ogeyn meel uu ku baaqday shirka, isla markaana ay diyaar u yahiin wakhti walba iney dib ugu laabtaan teendhada Afisyooni.

Maanta ayaa la filayay iney madaxda dib ugu laabtaan teendhada Afisyooni islamarkaana ay sii wadaan wadahallada dhexdooda ah, kana arrinsadaan sidii la isugu imaan lahaa shir weyne looga heshiinayo hanaanka doorashooyinka.

Si kastaba, dowladda oo markii hore beesha caalamka ka ogolaatay in kulan uu maanta dhaco ayaa lagu warramayaa inay xilli dambe sheegtay inaysan ka qeyb-gali karin, mana soo sheegin wax sabab ah oo ay sidaas u sameysay.

Baaqashada kulanka maanta ayaa imaneysa ayada oo dowladda ay shalay u dirtay Golaha Ammaanka QM digniin ku aadan inay faraha kala baxaan arrimaha doorashada Soomaaliya, taasi oo loo fasirtay inaysan dowladda diyaar u aheyn wada-hadal dambe.

Madaxweyne Farmaajo iyo xulafadiisa ayaa la rumeysan yahay inay mar hore go’aan ka gaareen ka qeybgalka shirkii ka socday Afisyooni, mana jirto ififaalo muujinayo in mar kale shir la isugu imaan karo.