Maxaa laga fahmay warqadii ay dowladda u dirtay QM?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay warqad ka koobneyd dhawr qodob ah u dirtay Golaha Ammaanka QM, waxeyna kaga digtay faragalin lagu sameeyo doorashada dalka.

Warqadda ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble loogu wareejiyay amniga doorashada dalka, inkasta oo aan faah-faahin laga bixin, ayada oo qodobkan uu ahaa mid ka mid ah arrimaha ay isku hayeen dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Warqaddii ay dowladda dirtay ayaa siyaabo kale duwan loo fahmay iyadoo dadka siyaasadda taxliiliya ay arrimo dhawr ah ku sifeeyeen.

Xeel-dheerayaasha qaar ayaa ku macneeyey inay ka turjumeyso rabitaanka madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ah inuu dalka ka qabto doorasho aan loo dhameyn, oo aysan heshiis ku aheyn dhinacyada Siyaasadda, islamarkaana aysan jirin cid ka hadli karta.

Sidoo kale xubnaha beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya ayaa aad ula yaabay warqadii ka timid Villa Soomaaliya xilli ay sugayeen iney teendhada kusoo celiyaan madaxda Soomaalida, balse warqadda dowladda ayaa loo fahmay inay xirtay wadahadal dambe oo lala galo Axmed Madoobe iyo Deni.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxaa miiska u saaran in laga wada hadlo awoodaha madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday, amniga guud ee dalka iyo ka qeybgalka shirarka ee saamileyda siyaasadda.

Filashada laga qabo in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay ayaa sii yaraaneysa, waxaana muuqata in hogaamiyayaasha Soomaalida uu qof walba ku dhagan yahay qodobadiisa.

Iyadoo ay taasi jirto ayey hadana beesha caalamka si weyn ugu cel-celisay ineysan ogolaan doonin doorasho hal dhinac ah, kuwa isbarbar socda iyo muddo kororsi intaba.

Waxaa muuqata in madaxda Soomaalida aysan wax tanaasul ah ka muuqan, taasna waxey dheereyn kartaa rajada laga qabo iney dhacdo doorasho la wada ogol yahay.