Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo inta badan jugtiisa laga maqlay xaafadaha Muqdisho ayaa waxa uu ahaa mid ismiidaamin ah, kaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lagu weeraray xarun Canshuurta lagu uruuriyo oo ku taalla halkaasi.

Khasaaraha ugu badan ayaa la soo warinayaa inuu soo gaaray dad rayid ah oo isugu jiray Bajaajley, dadka ay wadeen, arday iyo kuwa kale oo la socday gaadiidka BL-ka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta buux dhaafiyey, kuwaas oo gabi ahaan xiray dhaq dhaqaaqa isgoyska Ex-Koontarool Afgooye.

Illaa iyo hadda ma jirto wax faah faahin ah oo saraakiisha ammaanka ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ammaanka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa yare xasiloonaa, waxaana howlgallo ka waday ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed.