Madasha Xisbiyada Qaran oo ka hor-timid qodob ka mid ah sharciga doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaannada Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir xasaasi ah oo looga arrinsanaayo sharciga doorashooyinka iyo xaaladda kala guurka ah ee dalka maanta ku yeeshay xaruntooda KMG ah ee Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoomiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ah hoggaamiyaha Madasha, waxaana sidoo kale ka qeyb galay  madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadda ah guddoomiyaha xisbiga UPD.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa walaac ka muujiyey islamarkaana aad uga soo horjeeda qodobka 53-aad ee sharciga doorashooyinka qaranka, kaasi oo muddo kordhin siin karo xildhibaanada, haddii la ansixiyo.

Qodobkaas, ayaa waxaa ku qoran in haddii ay keenaan duruufo, sida amni darro baahsan oo dalka ka dhacda, uu baarlamanka waqtiga kororsano karo muddo lix bilood ah.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dooneysa in qodobkaas laga saaro sharciga doorashooyinka, waxaana ay qorsheynayaan inay mooshin ka keenaan, sida xubno ka mid ah ay u sheegeen Caasimada Online.

addaba maxaa ku qoran qodobka 53-aad ee sharciga doorahsooyinka:-

Qodobka 53-aad: Dib-u-dhaca Doorashooyinka

1. Muddada xilhaynta Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo madaxda la doortay wuxuu shacabku u idmaday muddo cayiman oo ku xadiddan Qodobbada 60aad iyo 91aad ee Dastuurka;
2. Muddada qabashada doorashooyinka heer federaal waxay dib ugu dhici kartaa oo keliya haddii ay jiraan daruufo adag oo saameeya dalka oo dhan ama kala bar oo aan suurtagal ka dhigayn in doorasho la qabto;

  1. Daruufaha adag ee ku xusan faqradda 2aad ee qodobkan waxaa ka mid ah:
    a. Nabadgelyo-darro baahsan oo dalka dhan ka dhacdo;
    b. Aafooyinka dabiiciga ah sida dhulgariirka, cudurada faafa, abaarro, fatahaado wabiyada, daadad xoog badan iyo duufaanno; iyo
    c. Arrimo farsamo oo aan la’aantood doorashada qabsoomi karin.
  2. Xaaladaha lagu soo sheegay faqaradda 3aad ee qodobkan haddii ay ku kooban tahay hal degmo, gobol ama dowlad goboleed iyo wax ka yar kala bar dalka, dib-u-dhaca doorashadu wuxuu saameynayaa keliya goobaha lagu xusay faqraddan.
  3. GMDQ marka ay qiimeeyaan daruufaha ku xusan faqradda 3aad ee qodobkan iyo muddada uga degdegsan ee lagaga bixi karo, waxay warbixintooda oo sababeysan kuna caddahay baaxadda ay duraafaha saameeyeen oo jadwal-shaqana leh u soo gudbinayaan Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka si ay go’aan uga gaaraan.
  4. GMDQ waxay BFS ka codsan karaan muddada cusub ee doorashadu ku qabsoomi karto oo aan ka badnayn Lix (6) Bilood;
  5. Haddii xaaladaha ku xusan faqradda 3aad aan lagu xallin muddada ku xusan faqradda 6aad oo GMDQ caddeeyo ineysan doorashadu muddadaas ku qabsoomi karayn, xubnaha Goleyaasha 24 Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sii wadaya waajibaadkooda Dastuuriga ah ilaa doorashada laga qabto.