Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay saldhigga Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidiin ahaa oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan, islamarkaana jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah caasimada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore ee xerada tababarka Turk-Som oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala bartilmaameedsaday saraakiil cusub oo tababar loo qaadayey, iyadoona la soo wariyey inuu fuliyey qof naftiis halige ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in la toogtay is-miidaamiyaha ka hor inta uusan dhex-gelin dhalinyaro saf ku jiray oo leyli saraakiil loo diyaarinayay.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qaraxaan, sida ay soo sheegayaan dad gooobjoogayaal ah, balse weli ma cadda inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxaasi.

Faah faahinta kala soco: Caasimada.net.