Xog: DF oo kulankii maanta dalab xasaasi ahaa uga aqbashay D/Goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa kulankii maanta dhanka muuqaalka aaladda Zoom-ka ku dhex-maray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaare Kheyre iyo dhammaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho ayaa lagu heshiiyey in shirka rasmiga ah ee amniga qaranka uu degdeg u qabsoomo, iyada oo madaxweyne Farmaajo uu go’aaminayo goobta iyo wakhtiga shirka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in kulankii maanta lagu gaaray go’aan weyn oo la xiriira dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Muqdisho, gaar ahaan baarlamanka.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa aqbalay dalab ka yimid madax goboleedyada oo ahaa in la joojiyo dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan baarlamanka ee la xiriira ansixinta sharciga dhameystirka xeerarka doorashooyinka.

Sharcigan ayaa dhowaan soo dhameystiray afar qodob oo ka dhinnaa kuwaas oo kala ah; qoondada haweenka, deegaameynta kuraasta baarlamanka, matalaadda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, iyo hanaanka doorasho ee xildhibaanada gobollada waqooyi.

Maamul goboleedyada badankood ayaa ka horyimid qodobada ku jira sharcigan, oo ay sheegeen inaan lagala tashan, waxayna dowladda ka dalbadeen inaan la ansixin inta uu ka dhacayo kulanka weyn ee dowladda iyo dowlad goboleedyada, kaasi oo ay doonayaan inay go’aan uga gaaraan qodobadan.

Codsigan ayaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ku aqbaleen kulankii maanta.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in guddoonka labada aqal ee baarlamanka, ay ka warhayaan go’aankan, ayna diyaar u yihiin inay hakiyaan sharcigan, si xal dhameystiran loo gaaro.