Aadan Barre oo si cajiib ah uga hadlay xil ka qaadistii uu ku sameeyay UHURU

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyihii aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale oo maanta xilkii laga qaaday ayaa ka hadalay sida uu u arko xil ka qaadista lagu sameeyay, waxuuna sheegay in hatan uu ka degay culeys weyn, isla markaana uu diiradda saarayo ka shaqeynta danaha shacabka soo doortay.

Aadan Barre ayaa xilkaas soo hayey toddobadii sano ee la soo dhaafay, waxaana xilkaas looga xayuubiyey kulan ay maanta yeesheen madaxda xisbiga talada dalka Kenya haya ee Jubilee, kaas oo uu shir guddoominayey madaxweyne Uhuru Kenyatta.

“Wallaahi, waxaan eersaday ma garanayo, madaxweynaha waa uu i amaanay, in aan shaqadeyda kasoo baxay waa uu qiray, koley waa la ogaan doonaa sababta, laakiin hadda waxaan ahay nin shaqadii loo dhiibay kasoo baxay” ayuu yiri Aadan Barre oo la hadlay Idaacadda BBC-da.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Waxaa weeye qaddar Ilaahey, culeys weyn ayaa iga dhacay maanta, weli waxaan ahay xildhibaankii dadkii sharafta badnaa ee Gaarisa, marka hadda waxaan u shaqeynayaa shacabkeyga oo aan xoogeyga iyo waqtigeyga ayaan siin rabaa.”

Xisbiga Jubilee ee talada haya ayaa u muuqaday mid si weyn u kala qeybsamay bilihii lasoo dhaafay, iyagoo u kala go’ay laba garab oo kala taageersan madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo garab kale oo teegeersan ku xigeenkiisa Wiliam Ruto.

Kala jabka xisbiga ayaa timid kadib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu heshiis uusan qeyb ka ahayn ku xigeenkiisa Wiliam Ruto uu la galay hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga, taas oo uu ka carooday Wiliam.

“Waxaan matalayay umadda Muslimiinta, waxaan matalayay umadda Soomaalida ah. Shaqsi ahaan aniga uma arkeyn in kursiga mid aan anigu leeyahay, wuxuu ahaa kursi ay umadda Muslimiinta iyo umadda Soomaalida ku faanayeen” ayuu yiri Aaadan Barre.

Dr. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha gobolka ayaa isna BBC-da u sheegay in Aadan Barre Ducaale lagu xamanayay in uu ka ag dhaw yahay Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto, sidaa darteedna madaxweynahunu uu go’aansaday in uu xilka ka qaado cid kasta oo aan daacad u aheyn garabkiisa.