QM oo war kasoo saartay kulankii maanta, si weyna u amaantay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray kulankii qadka Internet-ka maanta ku dhex maray madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka, xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay kulankaas, waxayna Qaramada Midoobay madaxweyne Farmaajo iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada ku amaantay qabsoomidda kulankaas, iyagoo bogaadiyey in lasii wado kulamada noocaan oo kale ah ay sheegtay in,isla markaana ay taageereyso kulankaas.

“Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa kulankii khadka Internet-ka ahaa ee maanta dhexmaray madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha dowladaha xubnaha ka ah federaalka – Qaramada Midoobey waxay ku ammaaneysaa Madaxweyne Farmaajo iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada tallaabada muhiimka ah ee wadahadalka caadiga ah ee ku saabsan mudnaanta, daneeyeyaasha Soomaaliya ee looga hadlayo arrimaha ahmiyadaha qaranka, sida doorashooyinka, amniga iyo deyn cafinta” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa galabta war kasoo saartay kulankii maanta dhanka muuqaalka aaladda Zoom-ka ku dhex-maray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

“Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana lagu heshiiyey in shirkaas rasmiga ah uu degdeg u qabsoomo, iyada oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu go’aaminayo goobta iyo wakhtiga shirka” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

“Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, taas oo muhiim u ah xaqiijinta yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dowladnimada iyo dib u soo celinta qarannimadeena.”

“Dhankooda, Madaxda ka qeyb galay kulankan ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la sii amba qaado qorsheyaasha dowlad dhiska iyo horumarka dalka, iyaga oo wadajir u soo dhaweeyey qorshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku saleysan wadatashiga, is-ogolaanshaha iyo u tanaasulka danta guud” ayaa lagu yiri qoraalka ay galabta Villa Somalia ka soo saartay kulankaas.