Dalalka Masar iyo Turkey oo qarka u saaran dagaal militari oo dhex-mara (Warbixin)

Tripoli (Caasimada Online) – Turkiga ayaa kordhiyay farogelintiisa Libya bilihii u dambeeyay isagoo maraakiib u diray xeebaha, diyaarado hub ku geeyay, calooshood u shaqaysteyaal iyo diyaarado aan duuliye lahaynna dalka geeyay.

Tani waxay taageero u tahay Dowladda fadhigeedu yahay Tripoli taasi oo dagaal sokeeye kula jirta ciidanka jooga bariga Liibiya. Laakiin, run ahaantii wuxuu qayb ahaan Turkigu daneynayaa in uu door weyn ku yeesho soo saarista tamarta ee badda Mediterranean-ka waxaana u jeedkiisu yahay in uu wiiqo xoogga ay taageerto Masar.

Jawaab ahaan, Madaxweynaha Masar oo sabtigii safar ku tagay saldhig militari ayaa muujiyay in laga yaabo in Masar ay feregelin ku sameyso Liibiya.

Colaadda Liibiya waa mid adag, balse aasaaskeedu waa dagaal dahsoon. Sidoo kale waxay cawaaqib xun ku leedahay gobolka oo dhan, oo awoodaha Turkiga, Qatar, Masar, Imaaraadka, iyo Russia ay dhammaan isugu yimaadeen.

Iran, Giriigga, Talyaaniga iyo Faransiiska ayaa si dhow u daawanaya waxa ka socda Liibiya. Masar, Imaaraadka, Saudi Arabia, Russia, iyo laga yaabee France iyo xitaa Giriigga waxay taageerataan Khaliifa Haftar. Halka Turkiga iyo Qatar-na ay taageerayaan xukuumadda Tripoli.

Turkiga wuxuu u diray kumanaan falaago reer Siiriya ah si ay Liibiya uga dagaalamaan. Turkigu waxaa uu sidoo kale Liibiya u isticmaalayaa meel uu ku tijaabinayo diyaaradiisa aan duuliyaha lahayn ee hubeysan. Waxaana uu dhawaan dhoolo tus militari la sameeyay Talyaaniga, horayna waxay badda iskula dhaceen Faranisiiska, arintaas oo NATO ay hadda baareyso.

Masar waxy taageereysay Khaliifa Haftar, kaasoo Liibiya uga cararay maamulkii Qadaafi tobanaan sano ka hor kuna noolaa Maraykanka. Waxaa uu Liibiya ugu soo laabtay si uu u hogaamiyo guluf uu ku qabsaday Benghazi iyo bariga dalka. Waa in la xasuustaa in Liibiya ay khalalaase gashay markii farogelintii Maraykanku hogaaminayay ay talada ka tuurtay Mucammar Al-Qadaffi 2011-kii.

Haftar waxaa uu Liibiya keeni lahaa nooca militari iyo xukunka ee ka jira Masar, calooshood u shaqaysteyaasha Gacankuna ay heystaan. Xukunka Turkiga waxaa uu keeni karaa Liibiya xasilooni daradda iyo argagixisadda uu geeyay Idlib iyo meelo kale oo uu ku duulay ee woqooyiga Siiriya.

Hadda Madaxweynaha Masar waxaa uu muujinayaa in khad cas uu ka jiri karo Liibiya. Khadkaasi waxaa uu Dowladda Turkigu taageero ka horjoogsanayaa Sirte iyo saldhiga cirka istiraatiijiga ah ee ku yaala Jufra. Wadanku waxa uu ka kala qayb sami karaa dhexda. Masar waxay leeahay ciidan awood leh, laakiin waa ciidan aan lagu tijaabin dagaallo dibadda ah.

Masar waxay argagixiso kula dagaalameysaa Siinay muddo sanado ah welina kama aysan ka adkaan. Turkigu waxaa uu ciidankiisa u dirayay Siiriya muddo sanado ah, si ay ula dagaalamaan PKK. Laakiin bishii February ciidanka Turkiga waxay isku dhaceen kuwa Siiriya, waxayna bur-buriyeen gaadiidkooda dagaalka iyo difaaca hawada.

Turkigu waxaa uu dhowaan ku dulay woqooyiga Ciraaq, wuxuuna ka bilaabay howlgal cusub. Ciidanka Turkigu waxay gardarro kula macaamilayeen kuwa badda Faransiiska, kuwaas oo la sheego in ay taageero siiyaan Khaliifa Hafter.

Ciidanka Turkiga iyo Kuwa Masaarida aad ayey isugu aadanyihiin. Labaduba waxay heystaan diyaaradaha dagaalka ee F-16 iyo boqolaal kale ee diyaaradaha dagaalka. Ciidanka Masar waa kuwa 9 aad ee dunida ugu xoogga badan waxayna heystaan kumanaan tangi. Ciidanka Turkiguna waa kuwa 11-aad ee dunida. Labaduba waxay isticmaalan hubka reer galbeedka.

Labada dalba waxaa la degay ololaha argagixiso la dirirka. Masar waxay u dhowdahay Liibiya waxayna si fudud u geyn kartaa guutooyin gaashaaman. Turkiguse waa in uu usoo dulaa, waxaana uu door bidaa in in uu adeegsado calooshood u shaqaysteyasha Siiriya.

Ciidamada dowladda oo uu Turkiga taageerayo ayaa ku sii siqaya magaalada Sirte iyagoo horayna ula wareegay magaalooyin muhiim u ahaa Janaraalka loo taagta-waayay.

Xulkuumadda Ankara ayaa tiri: “Waa in Janaraal Xaftar uu isaga baxo magaalada Sirte, haddii la doonayo in la helo xabad joojin waarta”

Sida muuqata xukuumadda Turkigu taageero kama joogsan doonto Sirta, Masar-na waxay wacad ku martay inay halkaas gayn karto ciidan, taasi oo dagaal dhex mara Qaahira iyo Ankara ka dhigeysa mid aad u dhow.