Qarax ismiidaamin ahaa oo goor dhow ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Qaraxa oo ismiidaamin ahaa ayaa jugtiisa si xoogan looga maqlay inta badan magaalada

Dad goobjoogayaal ah aya sheegay inuu is qarxiyey Qof fadhiyey maqaayad lagu shaaxo oo ku dhow xarunta Inji oo uu ku yaallo xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Khasaare kala duwan ayaa lagu soo warramayaa inuu jiro, balse weli ma cadda inta uu la’eg yahay.

Ciidamo fara badan ayaa goobta isku geedaamay, kuwaas oo gabi ahaan xiray dhaq dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli Dhuusamareeb ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin sar sare ee uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb