Qarax ka dhacay isgoys ku dhow BF iyo Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ahaa mid gaari loogu xiray shaqsi la sheegay in uu ka mid yahay shaqaalaha mid ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya, oo weli aan xog rasmi ah laga bixin.

Dad goobta tegay ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ka dhacay goob ay ciidamada dowladda gaadiidka ku baaraan, waxana ku dhintay shaqsigii watay oo la sheegay in gaariga loogu soo xiray.

Isgoyska Sayidka ayaa ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna ka mid yahay meelaha laga maamulo ammaanka Villa Somalia. Waxaa sidoo kale ku dhow oo isgoyska dhinac saaran xarunta baarlamanka.

Waxaa sidoo kale isgoyskan dhinac ka saaran xarunta Otto Otto ee xarumaha wasaaradda amniga iyo arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com