25.7 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Qarax ka dhacay magaalada Beledweyne + Khasaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Beledweyne, kaas oo jugtiisa laga maqlay meelo badan oo magaalada kamid ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaaxi ku taallay xaafadda Buundoweyn, gaar ahaan laanta Isbartiibo, halkaas oo inta badan fariistaan askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.

Qaraxan ayaa sababay dhimashada saddex qof oo rayid ah, midkoodna ay tahay haweeney. Sidoo kale, afar qof oo kale ayaa ku dhaawacmay, dhammaantoodna waxay ahaayeen dad shacab ah oo goobta ku sugnaa xilligii uu qaraxu dhacay.

Lama oga weli nooca uu ahaa qaraxa, balse warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in laga yaabo in meesha lagu sii diyaariyey. Ma jirin ciidamo joogay goobta xilliga uu qaraxu dhacay, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan sheegata qaraxyada noocan oo kale ah ee ka dhaca Beledweyne, hase yeeshee illaa hadda kama aysan hadlin dhacdadan maanta.

Maamulka iyo laamaha ammaanka ee degmada Beledweyne ayaa weli ka hadal qaraxan, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan ay faah-faahin rasmi ah kasoo saaraan.

Si kastaba, Beledweyne oo xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayaa waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo ay soo maleegtay kooxdu, kuwaasoo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Read more

Local News