Muqdisho: Shaneemo la qarxiyay

Muqdisho (Caasimada Online)  inta la ogyahay hal ruux ayaa ku geeriyooday seddax kalena waa ay ku dhaawacmeen bam gacmeed xaley lagu tuuray Shaneemo ku taalla Dagmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan dadka goobjoogayaasha ah, shaleemada bamka lagu weerraray ayaa lagu magacaabaa (Shaneemo Muqdisho) , waxana xilligaas ku sugnaa dhallinyaro  aad u fara badan oo sugayay mid ka mid ah cayaaraha kubada cagta oo ka tirsan horyaalka wadanka Spain.

Bambka ayaa la sheegay in uu ku dhacay afaafka hore ee Shaneemada oo ay ku sugnaayeen koox dhalinyaro ah oo damacsanaa in ay gudaha u sii gudbaan.

Sida ay lee yihiin dadkii goobta soo gaaray ruuxa geeriyooday ayaa ahaa wiil dhallinyaro ah oo ay da’diisu la sheegay  13-jir kana tirsanaa dhallinta ka shaqaysata qaadka loo yaqaano garaabada.

Markii qaraxa uu dhacay waxa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa degmada kuwaasoo howlgalo ka sameeyay shaneemada iyo agagaarkeeda, waxana ay qabqabteen dhallin yaro badan laakin mar dame ayaa la iska siidaayay.

Dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Horrey ayaa sidan oo kale Shaneemo ku taalla degmada Hodan bam gacmeed lagu weerraray illaa shan qof oo u badan dhallin yaro aya la sheegay xilligaas in ay ku dhinteen.

Ma jirto cid sheegatay qarixii bam ee xaley lagu weerraray Shaneemo Muqdisho oo ka mid ah shaneemooyinka ugu caansan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho