27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho (Maxaa ka qaldan XAMAR?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi Qarax Khasaaro geystay lagula eegtay Ciidamo la sheegay inay ka tirsanaayen Nabadsugida Somalia.

Qaraxa oo ahaa miino nooca rimuudka ayaa lala eegtay Gaari ay wateen Ciidamada, waxaana la sheegayaa in halkaasi uu ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Goobjooge ku sugnaa goobta uu Qaraxa ka dhacay, ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Nabadsugida ay Xireen gabi ahaan goobta uu qaraxa ka dhacay, waxa uuna intaa ku daray hadalkiisa in Qaraxa uu dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa kadib ayaa waxa ay Ciidamadu sameeyen baaritaano ay ku xaqiijinayeen amaanka, waxa ayna halkaasi ku qabqabteen tiro dad ah oo lala xiriirinaayo qaraxa.

Khasaaraha uu geeystay Qaraxa loo dhigay Ciidamada Nabadsugida Somalia ayaa adag in la ogaado.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa qaraxyada waxa ay noqdeen kuwa ka mid nolol maalmeedka reer Muqdisho, waxaana la ogeyn waxa qaldan ee soo badiyey qaraxyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News