Qarax khasaaro geystay oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho  +Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online)-Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa subaxnimadii hore kusoo toosay Jugta Qarax la sheegay in lala eegtay ciidamo ka tirsanaa Booliska Somalia.

Qaraxa ayaa la sheegay in ciidamada lagula eegtay nawaaxiga ceelka Caafi ee wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo intiisa badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka dhashay Miino lala eegtay Gaariga ay la socdeen ciidamada Booliska.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa xaqiijiyay in Qaraxa uu qabsaday Gaariga qeybtiisa dambe, ayna ku dhaawacmeen laba Askari oo ka tirsan saldhiga Booliska degmada Deyniile.

Askarta ku dhaawacantay Qaraxa ayaa la dhigay xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa in mid kamid ah askartaasi uu dhaawiciisu yahay mid aad u liita.

Sidoo kale, Qaraxa kadib Ciidamada Dowladda ayaa baaritaano ka sameeyay nawaaxiga goobta Qaraxa lagula eegtay ciidamada, inkastoo aan Qaraxa dad loo qaban.

Geesta kale, Qaraxan ayaa kusoo beegmaaya xili todobaadkii hore Qarax ceynkaani ah lagula eegtay Gaadiid ay la socdeen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com