Xaalad cabsi oo weli ka jirta Tukaraq & ciidamada uu dagaalka u dhexeeyo oo is horfadhiya

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Laascaanood waxaa saaka degan xaalada tuulada Tukaraq oo dagaal qaraaran uu shalay ku dhexmaray ciidamada maamulka Puntland iyo Somaliland.

Dadka deegaanka Tukaraq ayaa saaka soo sheegaya inay degan tahay xaalada goobihii ay shalay ka dhaceen  dagaalada.

Ciidanka maamulka Somaliland oo markoodii hore bilaabay dagaalka ayaa weeraray tuuladan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in wali deegaanka laga dareemayo xiisad colaadeed, waxaana dadka ay cabsi ka muujiyeen in markale dagaal uu halakas ka qarxo.

Waxaa kaloo dadka deegaanka ay sheegeen in ay socoto abuubul ciidan oo ay wadan labada dhinac ee deegaankaas Tukaraq isku haaya.

Sidoo kale, ciidamada Somaliland ayaa weli maamulaaya tuulada Tukaraq, kuwaa oo dhufeysyo dagaal ka sameystay dhammaan goobihii ay kala wareegeen ciidamada maamulka Puntland.

Tuulada Tukaraq oo hoos timaada Degmada Laascaanood ayaa waxay aheyd meel ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland, oo horeyna dhawr jeer ugu dhexmaray dagaallo khasaaro sababay.

Dhinaca kale, maamulka Somaliland ayaan weli ka hadal la wareegida tuulada Tukaraq iyo deegaanada hoostaga, halka Puntland ay ka sheegtay in Somaliland ay carqaladeyneyso socdaalka Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

Caasimada@live.com