‘’Waxaan la imaan doona qorsho sahli kara in muddo gaaban lagu soo afjaro caqabadaha DF ka heysta dibadda’’

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga Xukuumada Somalia, Axmed Ciise Cawad, ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradiisu ay la imaan doonto howl karnimo.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inuu dareemaayo inay jiraan khaladaadyo dhowr ah, balse ay ku sixi doonaan sida ugu dhakhsiyaha badan.

Waxa uu sheegay in mudada uu heyn doono xilka inay jari doonaan masaafooyin fog, si buu yiri dib loogu soo saxo khaladaadka dhanka dibadda ka heysta dowlada Somalia.

Wasiir Axmed Cawad, waxa uu sidoo kale tilmaamay in qorshaha uu ugu jiro sida loo dardar galin lahaa baahiyaha dowlada Federaalka kaga xiran dowladaha dariska, waxa uuna sidoo kale ballanqaaday inay la imaan doonaan isbedel dhab ah.

Isbedelka dhabta ah ayuu sheegay keliya inuu imaankaro kolkii ay Wasaaradu ka dhabeyso himiladeeda, sidaa aawgeed ay qaadi doonaan talaabooyin muuqda.

‘’Wey naga go’an tahay inaan u dhabar adeegno wax waliba oo ku xeeran danaha Qaranka, waana ka dhabeyn doonaa himiladeena’’

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa ballanqaaday in muddo gaaban uu kaga talaabi doono dhammaan cawaaqibta ku hor gudboon Wasaarada uu ku magacaaban yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com