Xog: Maxaa loo baajiyay daabaal-dega sanad guuradii 4-aad ee C/weli Gaas

Garoowe (Caasimada Online)- Munaasabad labadii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Garoowe loogu diyaar garoobayay in loo qabto sanad guuradii 4-aad ee markii uu xilka qabtay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa xalay loo baajiyay dagaalka ay ciidamada Somaliland kula wareegeen deegaanka Tukaraq oo 40-km u jirta magaalada Garowe.

Caawa oo ku beegan 4-sano guuradii ka soo wareegtay 08/01/2014.markii C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxwaynaha Puntland loo doortay, waxaana munaasabadaan ka qeybgeli lahaa madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Garowe ku sugan, sababaha uu u tegayna ay qeyb ka aheyd munaasabadaasi.

Waxaa kaloo munaasabadaan dadka lagu casuumay ka mid ahaa fanaaniin dibadda ka yimid, iyadoo dib loo dhigay ilaa waqti aan la cayimin.

Xiisad colaadeed ayaa laga dareemayaa deegaanada xuduuda labada maamul iyadoo uu socda dhaqdhaqaaq ciidan oo labada dhinac ah.

Magaalada Garoowe ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq iyadoo wadooyinka lagu arkaayo ciidamo fara badan.

Magaalada Tukaraq ee ciidamada Somaliland la wareegeen ayaa caasimada Puntland ay u jirtra 40 km, taasoo keentay in si weyn loo adkeeyo amaanka Garowe oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka SOmalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com