Goormee ayaa la filankaraa Isku shaandheynta XFS kadib xil ka qaadista 3da Wasiir?

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isal asaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa 4ta Bishaan xil ka qaadis ku sameeyay Seddex Wasiir oo lagu eedeeyay inay ka gaabiyeen shaqooyinkii loo igmaday.

Kheyre ayaa xil ka qaadista kadib horay ka magacaabay Seddex Wasiir oo ku jufo ah kuwa xilka laga qaaday, kuwaa oo u arkay inay gudankaraan waajibaadka ay ka gaabiyeen Wasiirada xilkooda waayay.

Xil ka qaadista Seddexda Wasiir oo dareen gaara galisay Wasiirada kale ee Xukuumada ayaa waxaa xigi doona isku shaandheyn ballaaran oo xilka ay ku weyn doonaan Wasiiro dhowr ah.

Isku shaandheynta la filaayo inay dhacdo ayaa waxaa ka bedebaadi doona keliya Afar Wasiir oo kala ah:

1- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad.

2-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye.

3- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cadi Xayir (Maareeye).

4- Wasiirka wasaarada Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Afartaan Wasiir oo xili danbe kamid noqday Xukuumada Somalia ayaa kusii nagaan doona Xukuumada, waxaana ilaa iyo hadda leysla dhexmarayaa inay lasii shaqeyn doonaan Ra’isul wasaare Kheyre.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa inoo xaqiijiyay in qorshaha isku shaandheynta Xukuumada ay ku began tahay 10 ilaa 15 Bishaan, waxaana suuragal ah inay wax isbedelaan.

Kheyre ayaa la xaqiijiyay inuu la imaaday shaqsiyaad ku cusub saaxada Siyaasada oo la filaayo inay kamid noqon doonaan Xukuumada cusub.

Si kastaba ha ahaatee, seefta Kheyre ayaa qaadi doonta Wasiiro ku dhow dhow dhinacyada Mucaaraadka kuwaa oo looga cabsi qabo in mucaaradka ay la wadaagan sirta Qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com