Netanyahu oo soo jeediyay talo tii ugu xumeyd oo halis ku noqon karta Falastiiniyiinta

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku taliyay in gabi ahaan la joojiyo shaqooyinka ay wado hay’adda QM UNRWA ee qaabilsan Qaxootiga.

Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay jarida maalgalinta ururka, maadaama UNRWA ay caawin jirtay falastiiniyiinta.

Waxa uu Benjamin Netanyahu sheegay in hay’adda QM ee UNRWA ee  Qaxootiga Falastiiniyiinta loo baahanyahay in gabi ahaanba laga takhalusiyo si aysan usii shaqeyn maadaama laga xanibay howlaha.

Benjamin Netanyahu, waxa uu sheegay in Hay’adani sii shaqeynteeda ay dhibaato ku keeni karto rajada Israel ee magaalada Qudus, waxa uuna ku baaqay in la joojiyo gabi ahaan jiritaankeeda.

Hay’adda QM UNRWA ee  Qaxootiga Falastiiniyiinta, ayaa la aasaasay 70 sano ka hor, waxa ayna si gaara uga shaqeysaa kaliya arrimaha qaxootiga Falastiiniyiinta.

Sidoo kale, UNRWA ayaa maalgalisa boqolaal dugsiyaal ah ee xeryaha  qaxootiga Falastiiniyiinta ku yaala Gaza Strip, Daanta galbeed, Bariga Qudus, Lebanon, Jordan iyo Suuriya.

Dhinaca kale, Trump ayaa dhawaan sheegay inuu jaray dhammaan musaacadooyinka uusiin jiray falastiiniyiinta iyo dhammaan Hay’adaha u gurmada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com