Sawirro: Sidee ayey Farmaajo & Gaas u daah-fureen Garoonka diyaaradaha cusub ee Janaraal Maxamed Abshir

Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Hogaamiyaha maamul goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si wada jir ah u daah-furay Garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe.

Daah-furka ayaa waxaa ka qeybgalay Madax ka kala socota Dowladda Federaalka Somalia ,Puntland, Beesha Caalamka iyo Marti sharaf kale oo intooda badan bogaadiyay hanaanka loo diyaariyay munaasabada.

Waxaa ku sugnaa goobta ay ka dhaceysay daah-furka wafdi ka yimid dalalka Jabouti iyo Ethiopia oo marti galin ka helay Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas.

Garoonka diyaaradaha Garowe ayaa loogu magac daray Jeneraal Maxamad Abshir Hammaan, waxa uuna aad uga quruxbadan yahay Garoomada kale ee ku yaala dalka.

Farmaajo ayaa shalay gaaray magaalada garoowe halkaas oo ay uga bilaabatay Booqasho maalmo qaadan doonto oo uu ku marayo deegaano ka tirsan Dowladda Goboleedyada Puntland iyo Galmudug.