Xildhibaan Kenyaan ah oo Hanjabaad adag u jeediyay Soomaali badan oo ku nool deegaankiisa +Sababta

Nairobi (Caasimada Online)-Qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa ku baaqay in Soomaalida degan deegaanka Kitui ee bariga dalkaasi, ay gabi ahaan isaga guuraan.

Xildhibaanada ayaa sheegay in sababta guuritaanka Soomaalida ay tahay in deegaanka uu saaxiib u noqday mid uu ka guuray daaqa iyo biyaha, sidaa aawgeed la doonaayo inay isaga baxaan deegaanka.

Xildhibaan Nimrod Mbai oo ah mudane lagu soo doortay deegaankaasi kana tirsan baarlamaanka Kenya ayaa ku goodiyay inay la dagaalami doonaan Soomaalida ku nool deegaankooda Kitui ee bariga Kenya.

Xildhibaan Nimrod Mbai waxa uu Soomaalida ugu baaqay in muddo Toban cisho gudahooda ay isaga guuran deegaanka, iyadoo wixii intaa ka badan aysan sameyn doonin dulqaad degnaanshi.

Xildhibaanka oo garabsanaaya Xildhibaano kale ayaa sheegay in Soomaalida ku dhaqan deegaanka laga soo doortay ay dhibaato baaxad leh ku hayaan muwaadiniinta dhulka leh, waxa uuna cadeeyay inay kamid tahay waxa uu ugu yeeray Nabad-guur iyo xasil daro, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in cabashada ugu badan ay tahay in hoos u dhac ay ku timid abuurka sababo la xiriira in xoola dhaqatada Soomaalida ay xoolahooda ku fasaxaan abuurka muwaadiniinta.

Xildhibaan Nimrod Mbai ayaa yiri ”Tani waa midii noogu xumeyd ee aan aragno Xoolahoodii ayaa Beerihii iska daaqaya dadkeeniina waxay la’yihiin wax ay Cunaan sababtoo ah way ka cabsanayaan in ay Beerahooda Beertaan”

Dhinaca kale, Xildhibaan Nimrod Mbai ayaa Soomaalida ugu hanjabay inay iska qaban doonaan haddii aysan wax ka bedelin dhibaatooyinka ay ku hayaan dadkiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com