Qarax khasaaro kala duwan geystay oo dhacay

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaarayo Degmada Marka ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Qarax miino lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxaasi uu geystay Khasaaro kala duwan oo soo gaaray Ciidamada lala eegtay iyo dad shacab ah oo goobtaasi maraayay.

Qaraxa ayaa ka dhacay Suuqa Dhuxusha ee Degmada Marka,waxaana loo dhigay Gawaarida Qafilan ee Ciidamada AMISOM oo xiligaa meesha marayay.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaayo in Qaraxa kadib ay ciidamadu fureen rasaas xoogan oo waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ahaa.

Sidoo kale waxa ay sheegen inay arkayeen dhaawaca ilaa Laba kamid ah Ciidamada AMISOM oo lagu qaaday mid kamid ah gaadiidka qafilan oo ay wateen Ciidamada.

Xaalada ayaa iminka ah mid degan waxaana dib loo furay wadooyinkii ay xireen Ciidamada Qaraxa lala eegtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com