Kullan laga mamnuucay saxaafada oo Cadaado..

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in habeenimadii xalay halkaasi uu ka dhacay Kulan xasaasi ahaa oo u dhexeeyay Wafdiga DF Somalia ka jooga Cadaado iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Kulanka oo ahaa mid laga mamnuucay Saxaafada iyo Ergooyinka kale, ayaa waxaa looga hadlaayay go’aanka shalay kasoo baxay Maamulka ee ahaa inay isaga baxeen shirka.

Wasiiro, Xildhibaano DF Somalia ka jooga Cadaado, ayaa Maamulkaasi ka wareestay sababta ka dambeysay inay shirka kabaxaan, waxa ayna ka cabanayeen arrimo dhowr ah oo ay kamid aheyd in DF ay si cad ula safan tahay Maamulka dhuusamareeb.

Careys Maxamed Xaaji oo kamid ahaa Mas’uuliyiinta shirka ka qeybgashay ayaa sheegay in sababta ay shirka uga baxeen ay tahay, faragalin uu sheegay in dowladda ay ku heyso Shirka iyada oo u olaleeneysa shaqsiyaad iyo Maamul gaar ah.

Waxa uu Tilmaamay in Mas’uuliyiinta DF uga wakiilka ah shirka ay hordhigeen cabashadooda balse ay sheegen inay isku laabanayaan islamarkaana ay go’aan cad kasoo saari doonaan cabashooyinkaasi.

Waxa uu sidoo kale, sheegay in markii hore ay diideen inay la kulmaan Mas’uuliyiinta Dowlada maadaama uu yiri iyaguba ay kamid yihiin raga mas’uulka ka ah faragalinta, balse dadaal dheer kadib ay go’aansadeen inay kulanka la fadhiistaan.

Ma uusan sheegin wax natiija ah oo kasoo baxay shirkii xalay dhacay, waxa uuna cadeeyay in maanta la filaayo in mar kale leysugu soo laabto kulan gaar ah.

Waxaan la saadalin karin go’aanka kasoo bixi kara kulanka maanta mar kale dhex mari doono DF iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb, bacdamaa uu xalay ahaa mid fashilmay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com