Xog: Xildhibaanno iyo wasiiro Jowhar tagaya !!!!

Jowhar (Caasimada Online) – Sida ilo xog ogaal ah Caasimada Online ay u sheegeen waxaa maalinta Isniinta lagu wadaa in magaalada Jowhar ay tagaan xubno ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in magaalada ay tagaan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo waxgarad kale oo ka baxaya magaalada Muqdisho sida xogta aan ku heleyno.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe maamul loogu sameynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana qorshahaasi ay iminka ka kala socdaan Beledweyne, Jowhar iyo Muqdisho.

Masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ee tagaya Jowhar ayaa waxaa la filayaa iney halkaasi ka furaan shirka dib u hishiisiinta ee beelaha daga Shabeelaha Dhexe, maadaama Beledweyne shir kaasi lamid ah uu ka socdo.

Shirkaasi ayaana gogol xaar u noqonaya dhismaha maamulka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, sida ilo xog Ogaal ah Caasimada Online ay u sheegeen.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com