CADEYN Go’aan laga soo saaray Mooshinkii laga gudbiyay C/weli Gaas

Muqdisho (Caasimada Online)-War ka soo baxay xafiiska gudoonka Baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa looga hadlay mooshin ay soo codsadeen 21 xildhibaan oo dalbadayn in baarlamaanka la iskugu yeero kalfadhi aan caadi ahay.

Warka waxaa lagu sheegay in uusan buuxin shuruudaha loogu tala galay in lagu qabto kalfadhi aan caadi ahayn oo dhanka xildhibaanada looga baahan yahay 17 xildhibaan ama ka badan, Warka waxaa lagu sheegay 21-kii xildhibaan in lix ka mida ka tanaasuleen, labana ay cadeeyeen in aysan ku jirin balse si khaldan loo isticmaalay magacyadooda.

Gudoonku wuxuu sheegay in sida ku cad qodobka 65-aad farqadiisa 2-aad eeDastuurka aysan xildhibaanada keenin mooshin buuxiyey shuruudaha looga baahnaa sidaasna u laalan yahay kalfadhiga iyo mooshinka.

Warqad ku saxiixan 21-xildhibaan oo baarlamaanka Puntland ah ayaa maalmo ka hor loo gudbiyey gudoonka baarlamaanka Puntland si uu u aqbalo codsiga xildhibaanada.
gud1