Askar tababar u jooga Turkiga oo la xukumay & Askarta oo isku dayay…

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxakamadda ciidamada Qalabka sida ee DF Somalia ayaa maanta xukun ku riday Laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowlada oo isku dayay inay baxsadaan xili ay Tababar ciidan u joogeen dalka Turkiga.

Xukunka Askartaani ayaa waxaa shaaciyay kaaliyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan oo sheegay in Ciidamadu ay qirteen inay isku dayeen inay ka dhex dhuuntaan Ciidamadii kale ee la socday, waxa uuna Tilmaamay in laga soo dhex qabtay Hotel ay dalkaasi ka dageen.

Wuxuu qiray in ujeedkooda uu ahaa inay u gooshaan dalalka Yurub balse gacanta lagu soo dhigay ka hor inta aysan ka dhex bixin dalka Turkiga waxa uuna saxaafada ka hor cadeeyay in lagu xakumay min 10-sano oo xabsi ciidan ah.

Askarta la xukumay ayaa lagu kala magacaabaa Cabdixakiin Maxamed Yuusuf iyo Haashim Cabdi Maxamed, waxaana u furan in ay racfaan ka qaadan karaan hadii aysan xukunkaasi ku qanacsaneyn.

Geesta kale, Askartaani la xukumay ayaa noqonaayo kuwii ugu horeeyay oo lagu fuliyay xukun ku saleysan dhuumasho iyo qiyaano Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com