Xildhibaan si adag uga hadlay shirka ka socda Baledweyne

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo inta badan Beelaha qaar ee kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, ay dhaliileen hanaanka uu ku socdo shirka dib u heshiisiinta Magaalada Baledweyne, ayaa waxaa arrintaasi si adag uga hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Xanafi oo ka tirsan Barlamanka Somalia.

Xildhibaanka ayaa sheegay in shirka uu iminka ku socdo wadadii loogu talo galay islamarkaana ay jiraan beelo iyo Siyaasiyiin aan weli soo ajiibin dacwada kuwaasi oo uu ku sifeeyay inay yihiin kuwo aan kawar heyn xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta madashay uu shirka ka socdo.

Cabdiqaadir Sheekh Xanafi ayaa sheegay in bulshada ay taageersan yihiin Shirka, hase ahaatee waxa uu sheegay in qaar ka mid ah Siyaasiyiinta ay kasoo horjeedaan, kuwaasi oo uu ugu baaqay in aysan colaad abuurin oo ay kaalintooda ka qaataan dib u heshiisiinta.

Wuxuu carabka ku dhuftay in Dhalinyarada, aqoonyahaanada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ay ay xiligaani yihiin kuwo u bisil Nabada, sidaasi awgeedna waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dhanka wanaaga wax laga eego, waxa uu intaasi ku daray in qorshaha uu yahay in Beelaha maqan laga qeybgaliyo Shirka si aysan u dhicin beel gaar ah oo gooni isaga faquuqdo shirka socda.

Nasiib darro ayuu ku tilmaamay maqnaanshaha beelaha qaar waxa uuna taasi ku saleeyay mid salka ku heyso ogaansho la’aanta ay ka qabaan shirka iyo waxa uu ku saabsan yahay.

Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanayo iyadoo Asbuucii tagay Wasiiro iyo Xildhibaano kasoo jeeda gobolka Hiiraan ay Magaalada Muqdisho kulamo kala duwan kula qaateen Odayaasha iyo waxgarad kaasi oo ay kaga tashanayeen masiirka Gobolka iyo ka miro dhalinta shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muuqdisho
Caasimada@live.com