Milkiilaha Facebook oo weji gabax la kulmay balse muxuu sameeyey?

Ka dib markii uu dhaleeceyn culus la kulmay madaxa ugu sarreeya mareegaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa tiray qariiradda India ee uu soo dhigay akoonkiisa, dhaleeceynta ayaana timid ka dib markii uu qariiraddaan ka reebay gobolada Jammu iyo Kashmir.

Ninka alifay mareegaha Facebook ayaa la dhaleeceeyey ka dib markii uu qariiraddaan soo dhigay akoonkiisa iyadoo ka qeyb aheyd furitaanka shirkad internet oo ka howgasha dalka Malawi. Wuxuuna ujeedkiisu ahaa inuu dadka reer India usoo bandhigo fursad ay adeegaan si bilaash ah ugu heli karaan haddii ay qariiraddooda doortaan, laakiin waxaa ka maqnaa gobolada Jammu iyo Kashmir.

Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii uu la kulmay dhaleeceyntaan Zuckerberg ayaa garwaaqsaday inuu qalad sameeyey, wuxuuna tiray qariiraddaas uu soo dhigay boggiisa Facebook.

Zuckerberg ayaana la kulmay hanjabaad ah inay dadka reer India joojin doonaan isticmaalka boggiisa maadaama uu sameeyey qaladkaan. Waana tallaabo keeni karta inuu mareegihiisu maro jidkii Al-Jazeera iyo CCTV kuwaasoo horay qariiradda India uga saaray Jammu iyo Kashmir laakiin jawaab celin culus helay.Mark Zuckerberg