Jilaayaasha Jackie Chan iyo Aamir Khan oo filim wada sameyn doona

Jackie Chan iyo Aamir Khan ayaa hogaamin doona filimka Kung Fu Yoga iyadoo shaashadda mar qura lagu wada arki doona atooreyaasha magaca leh ee kasoo kala jeeda dalalka China iyo India.

Wuxuuna filimkaani hordhac u noqon doonaa seddax filim oo looga hadli doono dhaqanka labadaan wadan, sida ay tebinayaan warbaahinta Shiinaha.

Kung Fu Yoga, waa filim ka hadli doona dhaqanada kala duwan ee dalalka China iyo India, waxaana hogaamin doona labadaan jilaa Jackie Chan and Aamir Khan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in laba filim uu nuucaan ah ay soo bixi doonaan, Xuan Zang iyo Da Nao Tian Zhu. Filimka Xuan Zang ayaa waxaa looga hadli doonaa dhaqanka iyo diinta Buddhist, halka Da Nao Tian Zhu looga hadlayo dhaqanka India.mi-joiojack-1