DHAGEYSO:- Ximan iyo Xeeb oo go’aan adag ka qaadatay Shirka Cadaado

Cadaado (Caasimada Online)- Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ku dhawaaqay iney isaga baxeen qorshaha dhismaha maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Careys Maxamed Xaaji, afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay iney isaga baxeen dhismaha maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka.

Wuxuu sheegay in waxyaabaha ay uga baxeen shirkaasi ay ugu weyn tahay faragelinta wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ay ku heyso dhismaha maamulkaasi.

Afhayeen Careys ayaa eedeyn u jeediyay xubnaha wasaarada arimaha gudaha ee ku sugan magaalada Cadaado, isagoo sheegay iney la wareegeen dhismaha maamulka Mudug iyo Galgaduud.

Hoos ka dhageyso Wareysi aan la yeelanay Afhayeenka

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com