Jawaari oo u goodiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha BF Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo ka hadlaayay arrimo dhowr ah ayaa waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir , Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu Baarlamaanka Somalia ugu fadhiyo inuu dib usoo celsho xarunta Dugsiga Naafada oo ku yaalo Degmada Yaaqshiid.

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa Duqa Magaalada Muqdisho ka dalbaday inuu dib u soo celiyo Dugsigaasi oo uu sheegay inuu yahay mid u muhiim ah DF Somalia.

Waxa uu sheegay in Dugsigaasi la dhisay xilli hore oo uu Dowladii Maxamed Siyaad Barre uu isaga xilligaasi ka ahaa Wasiirkii Dhalinyarada iyo Shaqaalaha.

Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari, wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Maamulka Muungaab laga doonaayo in Dugsigaasi dib loogu soo celiyo dadka naafada ee iska leh, wuxuuna wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in dadka naafada ay wax ku bartaan goobo kiro ah.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa waxaa kamid ahaa “Dugsiga naafada wuxuu ku yaalla Stadio Muqdisho dhinaciisa, garaashkii Nabad Suggida agtiisa, Dugsigaasi dadka naafada ah ayaa wax ku baran jiray, Dugsigaasi isaga ah aniga waxaa igu maqaalo ah, Dhalinyarada naafada ah inay wax ku bartaan meel kiro ah, macquul ma’ahan, Guddoomiye waa in la raadiyaa Dugsigaasi Dowladda iska leh shacabka iska leh, qofkii hada degan Adeeroow isaga baxay wad i maqlaysaa.”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sidoo kale sheegay hadii Guddoomiyaha Gobolka uu arintaasi kasoo bixi waayay in mooshin laga keenaayo, xilli Jawaari uu aad u qoslaayay.

Geesta kale, arrintaani ayaa imaaneysa iyadoo Hay’adda UNHCR, ay muddo laba bilood laga jooggo ay Muungaab ku eedeysay inuu Caasimadda ka barakaciyay dad gaaraya in ka badan 28 kun oo rayid ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com