Lugadheere ’’ BF Somalia waxa uu na mooda ra’isul wasaarayaashii ay mooshinka ka iibsan jireen’’

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan Xubnaha Baarlamaanka Somalia ay Mooshin ka gudbiyeen Baarlamaanka Maamulka KMG Jubba, ayaa waxaa arrintaasi iyo arrimo kale ka hadlay Madaxweyne ku-xigeenka Labaad ee Maamulka Jubbaland, Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamuud ‘’Lugadheere’’.

Waxa uu sheegay inuu aad uga xunyahay in xiligaani Baarlamaanka iyo Xukuumada Jubaland ay yeelanayan Mucaarad, waxa uuna taasi ku sheegay mid aan hakin doonin hor socodka Deegaanada iyo Maamulka.

Waxa uu sidoo kale, sheegay in BF Somalia ay Maamulka Jubbaland u qaateen mid lamid ah Ra’iisal wasaare-yaashii, ay ridistooda lacagaha ku qaateen, sida uu yiri, ha yeeshee aynaan Jubbaland laaluush kaga cuni doonin mooshinka, ay ka gudbiyen.

Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamuud wuxuu xusay in Jubbaland ay ka weyn tahay mooshin laga keeno Ra’iisal Wasaare. wuxuuna ugu baaqay BF Somalia inay isku xishoodaan, kana fogaadan sumcad daro oo Baarlamaanka Somaliya, ay u horseedan.

Waxa uu tilmaamay in Maamulka Jubba uu ka fiirsan doono go’aanka kasoo baxay BF Somalia ee ku aadan mooshinka, wuxuun cadeeyay in mooshinkaasi uusan hirgali doonin.

Dhanka kale, BF Somalia ayuu uga digay inay dalka u horseedan burbur maadaama uu yiri ay caadeysteen waxa uu ugu yeeray laaluush, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayuu sidoo kale ugu baaqay inay ka fiirsadaan ficilada ay horboodayaan oo dalka lagu maamulaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muuqdisho
Caasimada@live.com