25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Qarax lagu laayay saraakiil ka tirsan dowladda.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxa oo ahaa mid aad u culus ayaa waxaa lala eegtay kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsanaa Milliteriga Dowlada kaasi oo ka dhacay Duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh.Dhexe.

Qaraxa ayaa burburiyay qaar kamid ah Gaadiidka Dagaalka waxaana jiro Khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo halkaasi ka dhashay.

Qaraxa xoogiisa ayaa waxa uu ka dhacay Degaanka Soodeey, waxaana Qaraxa kadib halkaasi gaaray ciidamo kale oo ka tirsan Milliteriga Dowlada oo halkaasi ka daadgureeyay Saraakiisha iyo Askarta ku waxyeeloobmay Qaraxa.

Saraakiisha Qaraxa ku dhimatay oo ahaa 5 ayaa waxaa kamid ahaa Sarkaal lagu magacaabi jiray Cali Xasan, halka mid kale oo isna magaciisa lagu soo koobay Dacyeey uu ku dhaawacmay Qaraxaasi.

Maamulka Degmada Mahadaay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxaasi uu jiro islamarkaana ay wadaan baaritaano ku aadan Qaxaasi miinada ahaa.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyada Qaraxan lagu waxyeeleeyay Saraakiishan ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News