Qarax lagu soo xiray gaari oo ka dhacay XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax lagu soo xiray gaari.

Qaraxa ayaa la soo sheegayaa inuu ahaa mid loogu tallo galay in lagu dilo Xoghayaha Degmada Kaxada, Xaawo Luul Nuur Maxamed, balse gaariga uu Qarxay ka hor inta aysan raacin.

Waxa ay sheegtay iyada oo u warameysay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho in gaariga loogu soo qariyay Qaraxa balse ay ka shakisay sidaa awgeedna ay diiday inay raacdo, hayeeshee qadar yar un kadib uu gaarigaasi qarxay.

Xoghaye Xaawa ayaa sidoo kale sheegtay in aanu jirin cid wax ku noqotay Qaraxa Gaarigaasi, islamarkaana ujeedkii laga lahaa aan laga gaarin Qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi waxa uuna Qaraxa imaanayaa xili laba asbuuc ka hor Bam gacmeed lagu weeraray hooyga ay Xaawo ka degan tahay Degmada Dharkeenleey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com