Xog: Shirkii Madasha ee Kismaayo oo baaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan goor dhaw ka helnay xarunta madaxtooyada Jubbaland ayaa Caasimad Online u xaqiijiyay in shirkii lagu ballansanaa bisha Janaayo 10, 2016 ee madasha wadatashiga qaran uu dib u dhaacay ilaa amar danbe.

Waxaa shirka qaadacay in aay ka soo qeyb galaan Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Cabdikarin Xuseen Guuleed oo hadda sameystay isbaheysi siyaasadeed oo rabaan in nooca doorasho aay noqoto mid ku saleysan 4.5. Cabdikarin ayaa ku hanweyn in beeshiisa aay tiro xildhibaano ah ka heli doonaan GalMudug iyo Koofur Galbeed oo Shariif Xasan ballan qaad weyn u sameeyay.

Wararka waxaa kale oo aay sheegayaan in xiriirka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdikriin Xuseen Guuleed uu aad u liito. Waxaa aay ahayd shalay markii uu guddoomiyaha Baarlabaanka uu ka degey Dhuuso mareeb si uu u muujiyo taageerada baarlabaanka ee koox diimeedka Ahlu Sunna. Waxa wararka aay sheegayaan in Jawaari uu amar ka helay Addis Ababa in uu tago Dhuuso mareeb.

Itoobiyaanka ayaa aad uga soo horjeeda Cabdikariin Xuseen Guuleed oo aay ka shakisan yihiin. Waxaa Itoobiyaanka aad uga sii xanaajiyay sida aay xogtu sheegeyso markii uu Cabdikariin Guuleed ku casuumay xafladdii Galmudug, Faarax Macallin. Faarax Macallin ayaa si xun u bahdilay Xasan Sheekh iyo Faarax Cabdulqaadir isagoo markaa sheegay in aay u shaqeeyaan kana amar qaataan Gen. Gabre.

Halkan Ka Dhageyso Guuleed oo qaadacay safarkii Jawaari.

[su_audio url=”http://www.siyaaso.com/wp-content/uploads/2016/01/guuleed_vs_jawaari.mp3″]
Si kastaba ha ahaatee waxaa mugdi sii galayo masiirka Soomaaliyeed oo shacabka aay rajo ka qabaan in aay dhacdo doorasho iyo in la helo is bedel bisha Sebtember 2016.

Dadka ka faallooda siyaasadda ayaa waxaa aay isla dhex marayaan in aay adag tahay in la soo xulo Xildhibaano cusub, lama huraanna aay noqon doonto in muddu kordhin loo sameeyo Baarlabaanka Hadda jira si aay doorasho u dhacdo loona soo doorto madaxweyne cusub iyo hoggaan cusub ee Baarlabaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimadda@live.com