XOG: Yaa Ka dambeeya in SOMALIA ay xiriirka u jarto IRAN (Siyaasad mise arrin kaa qarsan?)..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xiriirkii diplomasi u jartay xukuumadda Tehraan. Inkastoo JFS aay ku eedeeyen dalka Iiraan in aay faraha la soo gashay arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa haddana waxaa cad in go’aanka uusan ahayn mid si toos ah uga yimid madaxda sare ee Soomaaliya.

Go’aankan oo an laga fiirsan laguna degdegey, waxaa marnaba shaki ku jirin dawlada IIRAAN abaalka ay nagu leedahay oo aan la gudi kerin

(1). Boqor Xayle Salase ayuu ahaa ninkii weydiistey dowladda Mareykanka hub uu ku burburiyo ciidamada Somalia. Mareykan waxay u sheegeen in aay la hadli doonaan saaxiibadood bariga dhexe. Xukuumadda Tehraan wey diiday in aay hub iyo lacag siiso Itoobiya, waxaana ogolaaday oo bixiyay lacagta iyo Hubka Boqortooyada Sacuudiga.

(2). Dagaalkii 1977, Dowladda waxa aay si buuxda u garab istaagtay taageerida Soomaaliya halka Boqortooyada Sacuudigana si cad oo gabasho lahayn u taageereen Itoobiya

(3). Xukuumadda Tehraan iyo Turkiga ayey ahaayeen labada waddan ee Muslinka ah ee u soo gurmaday Soomaaliya abaartii 2011.

Arrintan siyaasadeed waxaa aay ku habbooneyd in Dowladda Xasan Sheekh uu dhex-dhexaad ka ahaado maadaama labada dal aay yihiin dad muslin ah oo aan loo kala eexan.

Waxaa in dhaweydba ku sugnaa magaalada Muqdisho safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Amb. Dahir Maxamud Geelle, ninkan oo aay Soomaalida ku taqaan in uu yahay muqalas siyaasadeed. Safiirka ayaa olole weyn ugu jiray sidii diplomaasiyiinta Iiraan dalka looga saari lahaa. Safiirka ayaa waxaa uu aad u adeegsanayey wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibadda Axmed Kadiya oo ka mid ah kaadiriinta ururka Damul Jadiid.

Wasiir ku xigeenka ayaa waxaa uu qoray waraaq uu soo diyaariyay Daahir Maxamud Geelle, taasoo lagu eedeynayay in diplomaasiyiinta safaaradda Iiraan aay ku lug lahaayeen faafinta madhabka shiicada ah.

Xariga diplomaasiyiinta ayaa waxa aay gogol xaar u ahayd sidii madaxda Soomaalida aay u xiriirka ugu jari lahaayeen Iiraan si lacago looga helo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Marnaba lagama fekerin waxa ka dhalan kara iyo dhibaatada siyaasadeed oo aay yeelan karto arrintan. Dowladda Iiraan ayaa aad Soomaaliya u caawisay sanadkii 2011 markii aay abaaraha ku habsadeen dalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalan Hadliye ayaa beeniyay in aanan diplomaasiyiinta Iiraan dalka laga eryi doonin shalay oo bisha Janaayo aay ahayd 6, 2016. Maalin kaddibna waxaa ka soo baxay waraaq xafiiskiisa oo lagu sheegay in Soomaaliya aay xiriirka u jartay xukuumadda Tehraan.

Dhammaan dowladihii ku meel gaarka ahaa ee Soo maray Soomaaliya waxaa aay kulligood xiriir la lahaayeen xukuumadda Tehraan oo wafuud badan oo Soomaali ah aay halkaa tegeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer la kulmay madaxweynihii hore ee Iiraan Axmedinajad, wasiiro ka tirsan xukuumadda CCC ayaa booqashooyin kala duwan ku tegay Tehraan horraantii sanadkii hore 2015, iyadoo xukuumadda Tehraan aay Soomaaliya siiyay adduun dhan $30 Malyuun oo Doollar shantii sano ee la soo dhaafay sida aay sheegeen wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com

1

23