140 ku geeriyooday rabshado ka dhacay Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan ciidamada Ethiopia ay dil iyo xarigba kula kaceen dhalinyaro dibad-baxayaal kasoo jeeda dhulka ay Oramadu ka degto Ethiopia ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Koox u ololeysa xuquuqda aadanaha.

Warbixin ay soo saaren Kooxda ”Human Rights Watch” ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Ciidamada Ethiopia ay toogasho ku dileen 140 oo kasoo jeeda Gobolka Oromada mudadii ay socdeen dibadbaxyo ka dhan ah dowladda Ethiopia.

Tirro intaa kasii badan ayay Human Rights Watch sheegtay in lagu dhaawacay Gobolka Oromada ay degto waxa ayna Kooxdu sheegen in falkaasi uu yahay mid ay Dowladu si gaar ah ugu gumaadeyso Oromada.

Dowlada Ethiopia ayaa dhankeeda ka sheegtay in ciidamadu ay dileen kaliya 5 ruux kuwaasi oo ay ku sheegtay inay ahaayen kuwo ku lug lahaa rabshada.

Shacabka Oromada ayaa kasoo horjeeday in Dowlada Ethiopia ay dooneyso in dhul beereed ku yaalla duleedka Addis-Ababa, ay ugu ballaariso caasimadda, oo ay ka dhigto aag ganacsi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com