Hay’adda WFP oo jawaab kulul siisay DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda WFP ee cunnadda u qaabilsan Qaramada Midoobay ay soo saartay warbixin ay kaga jawaabeyso hadal kasoo yeeray DFS.

Warbixinta ayaa waxaa lagu beeniyay warkii dhawaan kasoo yeeray DFS ee ahaa in Hay’addu ay si ula kac ah raashinka mucaawinada ugu beegto xiliga beeralayda Soomaaliyeed ay filanayaan in dalagooda uu usoo go’o, taasna ay sababtay in ay niyad jab ku keento beeralayda Soomaaliyeed.

Hay’adda WFP waxa ay sheegtay in Ujeedka mucaawinadeeda uusan aheyn mid la xiriira duruufaha ka taagan Somalia amaba in mucaawinadaasi Somalia la gaarsiiyo xili ay Somalia ku jirto barwaaqa sooranka oo ay usoo go’ayso dalagyada.

WFP waxa ay sheegtay inay diyaar u yihiin xoojinta mucaawinada ay gaarsiineyso Somalia, balse aysan mudneyn in DFS ay fasiraad fog ka bixiso howlaha ay Hay’addu kawado Somalia.

Hay’addu waxa ay sheegtay in beeraaleydu ay ka caawiso tababarada dhanka farsamada si kor loogu qaado wax soo saarka iyo in beeralayda lagu xiro suuqyada caalamiga ah.

WFP waxaa ay sheegtay in xiliyo badan ay ka iibsatay beeralayda Soomaaliyeed galayda usoo go’da, xiliganna ay ku howlan yihiin sidii ay u iibsan lahaayeen in ka badan 1000 metric tons oo galay ah iyagoo sheegay in raashinkaasi ka iibsan doonaan iskaashatada beeralayda ah ee afgooye iyo awdheegle.

Hay’adda WFP waxa ay ku baaqday in DFS ay baaritaan qoto dheer ku sameyso qaabka ay Hay’addu ugu gurmaneyso Somalia.

Eedeynta WFP loo jeediyay ayaa kusoo beegmaya xili DFS ay sheegtay in gargaarka Hay’addu uu yahay mid lagu cuuryaaminaayo wax soo saarka beeraaleyda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com