Qarax lala beegsaday askar Kenyan ah + Khasaaraha

Nairobi (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo lala eegtay kolanyo gaadiid oo ay wateen ciidanka ka tirsan kuw dowladda Kenya.

Qaraxan oo ahaa nooca miinada ayaa waxa uu ciidanka ku qabsaday xilli ay ku socdaalayeen deegaano ka tirsan magaalada Lamu ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa uu haleelay mid kamid kolanyada gaadiid oo ka timid dhinaca deegaanka Pandanguo, kuna sii jeeday deegaanka Witu oo kamid ah deegaanada hoostaga magaalada Lamu ee gobolkaasi.

Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lasoo warinayaa inuu qaraxaan geystay, kaasi oo gaaray ciidanka saarna gaariga uu qabsaday qaraxa qabsaday gaarigaasi oo noociisu ahaa Taw.

Weli si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha intu uu dhan yahay, hase yeeshe Al-Shabaab oo war kasoo saartay ayaa sheegatay inay ku dileen 25 ka tirsan ciidamada Kenya, laba gaarina ku gubeen. Sheegashadan si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Saraakiil ka tirsan booliska Kenya oo weerarka qaraxa xaqiijiyay ayaa dhankooda sheegay inay wadaan baaritaano la xiriira arrintaan.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhisay weerarada ay ka geysanayso deegaanada gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, xilli uu hakad galay gulufkii dagaal ee kooxda uga socday gudaha Soomaaliya.