Garoowe (Caasimada Online) – Qarax culus ayaa ka dhacay degaanka Galgala ee gobalka Barri kaa oo lala eegtay kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamada maamulka Puntland.
Qaraxa oo aad u cuslaa ayaa haleelay mid kamida gaadiidka dagaalka ee kamid ahaa Kolonyada, kaa oo soo gaaray burbur xoogan.
Qaraxa ayaa sida la sheegay waxaa ku dhintay ku dhawaad laba Askari, halka Afar kalane uu Qaraxa kasoo gaaray dhaawac.
Ciidamada Qaraxa lala eegtay ayaa kusii jeeday fariisimo ay ku lahaayen deegaanka Galgala, waxaana la xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa miino dhulka loogu aasay.
Dhinaca kale, Deegaanada Galgala ayaa waxaa hadda ku sugan ciidamo farabadan oo ka tirsan maamulka Puntland kuwaa oo halkaa ku leh fariisimooyin dhowr ah.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]