Burcad badeedda dhabta ah: Kuwa lagu sheegay iyo kuwa aadan aqoon

Muqdisho (Caasimada Online) – Burcad badeedda Soomaalida ayaa noqotay hadal­heynta dunida kadib markii bilihii ugu dambeeyay ay soo bateen afduubka loo geysanayo maraakiibta isticmaala xeebaha Soomaaliya.

Hadaba, waxaa la isweydiin karaa su’aallo badan oo ay ku jiraan, maxaa soo celiyay burcadda? ma u jiraan burcaddan horta sida loo sheegayo? maxaa la gudboon dowladda iyo maamul goboleedyada iyo su’aalo kale.

Warbaahinta ayaa waxaa ay la hadashay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug, waxaa kaloo aan la hadalnay rag burcad badeed ah oo qaarkood ogolaaday in warkooda la baahiyo, qaarna nala hadlay balse diiday in sheekadooda dibadda la soo dhigo.

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Puntland ee PUNSA Faysal Ahmed waxaa uu arkaa in burcadda ay soo laabatay balse ay bilow tahay, arrintaasina ay sabab u tahay maraakiibta shisheeye oo ku soo batay xeebaha Soomaaliya.

Nuur Shire oo isna Puntland ka ahaa madaxa ururada bulshada rayidka Labadii sano ee la soo dhaafay oo arrintaasi ka hadlay waxaa uu yiri “Burcad badeed sida aan anigu u aqaanno waxaa laga yaabaa in dadka siyaabo kale ay u yaqaaniin, burcad badeed waxaan u aqaanaa cid kasta oo si sharci darro uga kaluumaysanayso iyo cid kasta oo si sharci darro ah uga geysata dagaal, wax walba oo sharciga ka baxsan waxaan u argnaa inay yihiin burcad”

Faysal iyo Nuur waxaa kaloo aan weydiinay sababta burcadda soo celisay 5 sano kadib? “Bulshadeenna Soomaalida markaad fiiriso waxa ugu badan waa arrintaas, arrinta burcadda oo hadda Soomaalidii ku soo noqotay dadka burcad badeedda marba way soo laba kacleynayaan, hadaaney jirin shuruuc iyo nidaam adag oo lagula diriro, taas waxaan filayaa in dowladda Federaalka Cusub oo hadda dhalatay iyo maamullada ay ka jiraan, sharciyanna qofkii lagu qabto loo dajiyo sharuuc adag, tallaabooyin adagna laga qaado sidaas ayaa looga waantoobi karaa” sidaasi waxaa yiri Faysal.

Nuur Shire oo isla su’aashaas weydiinay waxaa uu leeyahay “Aniga marqaati kama noqon karo oo ma dhihi karo hebel iyo hebel ayaa burcad badeeda, laakin in la sheegayo taas waan maqlay.

Arrinta Saameynta Burcad badeedda waxaa ay labada nin isku raaceen in arrinkan uu dhibaato ku noqon doono ganacsiga xeebaha Soomaaliya iyo in maraakiibta ka cabsadaan marinka xeebaha arrintaas oo horseedi karta amni darro gobolka ah.

Maxaa xal ah, marka aan weydiinay Faysal iyo Nuur Shire labaduba waxaa ay qabaan in shuruuc la sameeyo, in loo baahan yahay wada shaqeyn dowladda iyo maamul goboleedyada ah iyo in la helo cadaalad. Nuur Shire waxaa uu sheegay in markii ugu horreeyay ay sheekada ka bilaabatay dhalinyaro kalluumaysata ah oo ka carooday maraakiibta shisheeye sida ay u baabi’inayaan shabaqyadoodu oo qalabkoodii kalluumaysiga la baabi’yay.

Faysal Axmed waxaa uu dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ugu baaqay in ay fursado shaqo u abuuraan dhalinyarada si looga fogaado arrimaha burcad badeedda.

Dhinaca kale,waxaan la hadalnay mid ka mid ah burcad badeedda ku sugan agagaarka Cadaado, ninkan oo ku dooday in uu yahay kaluumeysato ay dhib u geysteen maraakiibta shisheeye

waxaa uu yiri “ Aad ayey dalka iyo dadkaba dhib uga hayaan, qofka haddii uu shakaab xirto ma aragtay inta loo yimaado ayaa laga jajabinaa, doon ayaa badda iska aadeyso oo kalumeysi ah oo rag wataan ma og tahay, xabadbey la dhacayaan, waxyaalo aan ka koobi karin oo aad iyo aad u badan bey ku hayaan dalka, kuwii damco hadda in ay wax ka qabtaanna waaba burcad, sida adduunka u yaqaano.

Ninkan oo ka sii sheekeynaya meelaha ay maraakiibtaas joogaan“ Garacad Illaa Xarardheere inta u dhaxeyda intaas ayey dhibaato ku hayaan, dalka Soomaaliya waa loosoo shaqo tagay, si xowli ah ayaa loo boobayaa, sidii dal aan dowlad laheyn oo kale ma aragtay, marka qofkii wadani ah oo shabaktiisa la jabiyay oo inta qoray qaatay la diriray, wax kale awal ayuusan ka qaban karini waxaa la leeyahay Burcad, Markabka dagaalkaana loo adeegsanaa”

Ma Saxbaa in Markab La Afduubtaan?

“Horta, waxaa weeye, meesha waxaa imaaneysa qalad qalad ku sax, adiga shabaak baad hanti ka laheyd ma ogtahay, shabaaktii aad hantida ka laheyd ninbaa intuu yimaado ayuu duubanahayaa, burcadda waa hore waa jiriri jirtay, waa la sifeeyay, waxaa lagu sameeyay wacyigelin”

Adinka, Ma Shabaaktiina ayaad u xanaaqsan tihiin mise arrin Soomaaliyeed?

“Soomaaliya oo dhab bey dhib ku hayaan, waxa ay la qaadanayaan waa wax Soomaaliyeed, Inaga shirkada aan wax ku lahaa oo la dhaho F.I.O, waxaa aan isku raacnay in aan wax ka helo, oo dalkan dhaqaalaha ku jira aan la soo baxno, oo gadanno oo dadkeena uga faa’ideyno, oo shaqo abuur aan ka sameyno, waxba waan ka soo saari weynay, haddii shabaaktii aan dhigataba la dardaraayo ama mid tuug ah laguula baxayo ama xabad laguu adeegsanaayo, marka adduunka iyo dowladaha jira kama hadlayaan burcadka badda Soomaaliya ku duushay oo dhaceysa, wiil Soomaali ah oo shabaaktiisa qaatay, nin badda galanaya la leeyahay waa tuug, kanba dadka waa qabtaan baddiisa lagu heystee, maxay u qaban la’yihiin kuwa kale oo ah tuugada baddeedan u soo shaqo tagtay”

Dhankiisa, guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdullahi Axmed Cali oo arrinta ka hadlaya waxaa uu ku dhaartay in raggan aaney dan Soomaaliyeed wadin, waxa ay ka hadlayaanna ay tahay qiil been ah isaga oo yiri “Aniga Soomali ayaan ahay, kama been sheegaayo Soomaali, xog been ka bixinaayo, Markab ayey qabsanayaan, iyaga oo aan sharci marsiin oo aan dowladda u sheegin ayey madax furasho ka rabaan..

waa tuugo, lacag doon ah” Guddoomiyaha Hobyo waxaan weydiinay in uu sheego halka ay ka imaanayaan doomaha sida sharci darrada ah uga kaluumeysta xeebaha Soomaaliya. “Waxaa jiro koox doomaaley ah, oo Iran ,Yemen, Cumaan oo si sharci darri uga kallumeysto xeebaha Soomaaliy, qaarkood waxaa ay heshiis kula jiraan kaluumeysato Soomaaliyeed, dadkaas ajaanibta ah, Kulameysi qiimo leh ay qaataan, inta kalana waa iska daadiyaan”

Mudane Cabdullahi Axmed, guddoomiyaha Hobyo waxaa uu dowladda ugu baaqay in la dhismo ciidamada badda, amniga laga shaqeeyo, isaga oo codsaday in maamulkiisa uu u baahan yahay qalab iyo kaalmo xagga ammaanka ah. Ugu Dameyntii,

Dhammaan Mas’uuliyiintii Puntland iyo Galmudug waxaa ay dowladda federaalka ah ugu baaqeen in ay la timaado qorshe cad oo wax looga qabanayo kaluumeysiga sharci darrada ah ee maraakiibta shishiiye ay ka wadaa xeebaha Soomaaliya, oo sida burcad badeedda loola dagaalo tilaabo la mid ah laga qaado burcadda shisheeye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com