24.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Kheyre oo shaaciyay dhaqaalaha ay DF u uruurisay dadka tabaaleysan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay dhaqaale ay dhawaan u uruuriyeen Abaaraha ka jira dalka, gaar ahaan Gobolada.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada ayaa sheegay in uruurinta dhaqaalahaasi ay tahay tii ugu badneyd oo ay uruuriso Xukuumadiisa, waxa uuna tilmaamay in dhaqaalahaasi lagu garab siin doono dadka ay soo riteen Cudurada iyo Gaajada.

Waxa uu sheegay in dhaqaalaha ay uruuriyeen uu kor u dhaafaayo 3 Million oo dollarka Mareykanka ah.

Ra’isul wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisa ay xoogga saareyso wax ka qabashada Abaaraha ku dhuftay Dalka Soomaaliya.

Nuqul kamid ah haddalka Ra’isul wasaaraha ayaa ahaa ”Muhiimadda Koowaad ee dowladeyda waa sidii xoogga loo saari lahaa in wax loo qabto dadka ay Abaaruhu saameeyeen”

Xukuumadda Soomaaliya ayaa xoogga saareysa wax ka qabashada Musiibooyinka iyadoona u sameysay Wasaarad Gaar ah oo arrimahaas ku shaqo leh.

Haddalka Ra’isul wasaaraha ayaa kusoo beegmaaya xili Beesha Caalamka ay dhaqaale xoogan uga qeybqaadaneyso abaaraha ku dhuftay dalka, gaar ahaan Gobolada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News