Boqorka Sacuudiga oo qorsheynaya xilal ka qaadistii ugu cuslaa

Jidah (Caasimada Online) – Boqor Salman-ka Sacuudi Carabiya ayaa xilka ka xayuubiyay Wasiirkii shaqada dalkaasi oo lagu helay kiisas Musuq ah.

Boqorka ayaa xil ka qaadista kadib amar ku bixiyay in la baaro Wasiirka shaqada ee xilka laga qaaday kadib markii lagu helay musuq iyo takri falay awoodda xafiiskiisa.

Xil ka qaadista uu boqorka sameeyay kadib ayuu ku baaqay arrimaha soo socda:

1-In dhammaan xarumaha dowlada lagu wargalinaayo in Safiirka dalkiisa u fadhiyey Maraykanka uu ku bedelay wiilka uu isagu dhalay ee Amiir Khalid.

2-In la sameeyo xarun nabad sugidda qaranka ah oo toos u hoos timaadda xafiiska boqorka.

3-In dib loo bilaabaayo lacagta gunada ah ee lasiin jiray shaqaalaha dawladda iyo ciidanka.

Talaabadaani ayaa timid kadib markii uu boqorka soo food saaray tuhun muujinaaya in loo baahan yahay in isbedel lagu sameeyo dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Jidah
Caasimada@live.com